Recep Erdogan”Jawaab ku haboon ayaan siinaynaa Giriiga”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Giriigga iyo Qubrus inay ka gaabiyeen inay Fuliyaan Balanqaadyadii ay sameeyeen intii lagu jiray Wadahadaladii Midowga Yurub iyo NATO, wuxuuna Erdogan wacad ku maray in Wadankiisu siin doono Jawaabta ay mudan yihiin Labadaasi Wadan.
Erdogan oo Baarlamanka Wadankiisa hadal ka hor Jeedinayay ayaa ka hadlay Markabkooda ee Sahaminta ee Xiisada abuuray ee Oruc Reis ee Ankara ay dib ugu Celisey Badda Mediterranean-ka wuxuu yidhi “Oruc Reis wuxuu ku Laabatay Waajibaadkiisii badda Mediterranean”
Madaxweynaha Turkiga Wuxuu wacad ku maray in Jawaabta ay uqalmaan siin doonaan Wadamada Giriiga iyo Qurbus.
“Waxaan sii wadaynaa inaan siino Jawaabta ay u qalmaan Giriiga iyo Maamulka Giriiga ee Qurbus, oo aan Fulinin Balanqaadyadoodii intii lagu guda jirey Wadahadalada Midowga Yurub iyo NATO”
Xiisada Labada Wadan ayaa cirka isku shareertay kadib markii Turkigu uu Markabka Sahaminta Shidaalka ee Oruc Reis dib ugu Celiyeen bariga badda Mediterranean-ka, taaso keentay in Giriiga oo Taageero ka helaya, Faransiiska, Masar, Israa’iil iyo Imaaraadka uu ku goodiyo Talaabo Milatari hadii Ankara joojin Markabkaasi.
W/Q

Shardiid Macalin

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS