Shirka Muqdisho uga socda Madaxwaynaha Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo qodobo la isku mari waayay.

Waxaa maalintii labaad galay shirka u dhexeeya madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya maxamed Cabdulaahi Farmaajo,madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray o si adag looga dooday qaabka ay noqonkarto qaabka doorasho ee heshiis laga wadayahay ee dalka ka qabsoomi karta.

Waxaana jira Qodobo ka soobaxay shirkii Dhuusamareeb3 oo ay diideen Madaxda Jubland iyo Puntland dalbadeena in labadalo qodobadaasi.

Madaxda Maamul Goboleedyada Hirshabeele,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa horay madaxwaynaha Jamhuuriyadu kula shiray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul Goboleedka Galmudug,halkaas oo qodobo laga soosaaray balse ay ka maqnaayeen madaxwaynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa mar kale qaatay in uu qabto shir ay u dhanyihiin Madaxda maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,kaasi oo si aad ah loogu lafa gurayo arimaha doorashooyinka iyo sidii loo qaban lahaa doorasho qaabka ay u dhacayso raali laga wada yahay.

Shirkaan ka socda Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ah mid ay isha kuwada hayaan waxa ka soobixi doona Shacba Soomaaliyeed iyo saamilayda Siyaasada Dalka.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS