Sudan oo iska diiday Bayaankii ka soobaxay wasaarada arimaha dibada Ethiopia.

Sudan ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamtey bayaan dhawaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Itoobiya.

Waxayna Sudan ku eedeysay Itoobiya iney sii kordhineyso xiisada faraha kasii baxaysa ee udhaxaysa Labada Wadan ee Deriska ah ee ku muransan Gobolka dhaca Xuduudka.

Dhanka kale Khartoum ayaa ku hanjabtey iney dalkeeda ka saari doonto Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Nabad Ilaalinta ujooga.

Sanadkii 2011, ayaa in ka badan 5000 oo Askari oo Itoobiyaan ah Nabad Ilaalin loo geeyay Gobolka Abiy ee ay Sudan iyo South Sudan isku haystaan.

Ugu dambeyn Sudan ayaa ka digtey in Itoobiya ay khatar wayn ku tahay Nabada iyo Xasiloonida Gobolka.

W/Q Shardiid Macalin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS