Sudan oo sheegtay in ay dagaal kaga guulaysteen Axmaarada Ethiopia.

Sudan waxay sheegtay in Ciidamadeeda Milatarigu ay si wayn iskaga caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen Maleeshiyada Amxaarada Ethiopia.

Dagaalka oo la sheegay inuu ka dhacay deegaanada Dora iyo shaibeyt oo Xuduudka ujira ku dhawaad 8km ayay Ciidamada Sudan sheegeen iney Maleeshiyada soo weerartay ay si adag iskaga caabiyeen isla markaana kaga furteen hub iyo sanado kale oo militari.

Hadalka Sudan wuxuu imanayaa xili uu dhawaan Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali uu sheegay in dalkiisu aanu dooneyn inuu wakhtigan dagaal Milatari la galo  dalka at dariska yihiin ee Sudan.

Sikastaba ha ahaatee Dalalka Sudan iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhexeeya muran dhanka xuduuda ah ,marar badan ayay ciidamada ilaalada xuduuduhu ku dagaalameen deegaano dhowr ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS