Turkiga oo markale soo badhigay awoodiisa dagaal ee dhanka cirka ah.

Diyaarada aan duuliyaha lahayn ee AKINCI oo loo aqoonsan yahay iney tahay tan Dunida ugu wayn ee nooceeda ah ayna sameysay Shirkada Turkiga ah ee Baykar ayaa maanta ku guuleysatay weeraradii tijaabada ahaa ee ugu horeeyay, iyadoo bartilmaameedyadii loo cayimay si guul u garaacday.

Turkiga ayaa horey dunida ugaga yaabiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2, kuwaasoo kamid noqday diyaaradaha dagaal ee aan cidi wadin ee ugu tayada badan Aduunka, iyagoo kartidooda kusoo bandhigay dagaalo ay Gobolka ka galeen.

Awooda iyo cududa milatari ee Turkiga ayaa maalin ba maalinta xigta sii balaadhaneysa, iyadoo Turkigu uu guulo ka gaadhayo isku filnaanshaha dhanic kasta oo Awooda iyo Qalabka Milatari ah, waana Wadan si wayn u taageera Soomaaliya.

W/Q Sharmake Omar

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS