Waa maxay sababta loo diiday in doorasho ka dhacdo qaybo ka mod ah Gobolka Sitti?

Komishinka Doorashooyinka Ethiopia ayaa sheegay in aysan wax doorasho ah ka qabsoomayn qaybo ka mid ah Gobolka Sitti.

Goobaha komishinka doorashoyinku maanta u aqoonsaday aaga cidlada ah ee laga noqday(No man’s land), waxay isugu jiraan kuwii horay loo bixiyay ee ay heshiiskooda xukuumada cusub ka noqotay iyo kuwo Gobalka Siti ka tirsan oo horleh.

Goobaha horay loo bixiyay waxay ahayeen Caddaytu, Cundhufo iyo Garba-Ciise.

Goobaha Gobalka Siti ka tirsan ee laga noqday waxaa kamida Madane & Afcase oo ka tirsan Degmada Me’ayso,Caddayle oo ka tirsa Degmada Gablalu. Danlahelay oo ka tirsan Degmada Afdem iyo Alaale oo ka tirsan Degmada Erer.

Ka sokow innay waayeen xuquqdooda dasturiga ee ahayd in la doorto ama ay wax doortaan, sow kama dhigna in mustaqbalka goobahan shaki wayn Komishinka doorashoyinku galiyay?

Waa maxay sabbabta mucaradkii, Dawladdii, waxgaradkii iyo bulshadii kale arrimahan uga aamuusan yihiin? Maxaa jira oo aynaan ogayn?

Qayladii maamulka Canfarta iyo dibad baxyadii dhalinyaradoodu maalmahan waddeen waxbadan ayay u goysay.

W-Q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS