Wafdi ka mid ah ONLF oo safaro shaqo kumaraya Gobolka Nogob

Waxaa saaka oo Axad ah Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob ka abna baxay Madax Katirsan Xisbiga ONLF oo maalmihii dambeeyay  hawlo shaqo ujoogay Gobolka.

Waftiga ayaa socdaal kooda kugaadhi doona qaar kamid ah Tuulooyinka Dagmada Sagag hoos yimaada , iyagoo kulamo layeelan doona qaybaha kala duwan ee bulshada halkaasi ku dhaqan.

Madaxda oo isugu jira Musharixiinta Xisbiga ONLF Dagmada uga sharaxan iyo maamulka Gobolka ayaa shacabka gaadhsiin doona qorshayaasha cusub ee Xisbiga ONLF iyo sida ay codbixinta doorashada u dhici doonto.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS