Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi oo Garowe ka degay.

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa gaaray Magaalada Garowe ee caasimada maamul Goboleedka Puntland.

Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa u jeedka safarkoodu yahay in ay ka qayb galaan Aaska Qaran ee loo samaynaayo Raysal wasaarihii hore Dowlada Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo Garowe maanta lagu aasayo.

Wafdigaaan oo uu hogaaminayo Gudoomiye Cabdi Xashi ayaa waxa ay ka soo kicitimeen Magaalada Muqdisho Muqdisho Waxaana Garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhaweeyey Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil .

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS