Wararkii ugu dambeeyay deegaanka Axmaarada Ethiopia.

Xubnaha Barlamanka ku matala Oromada ayaa dhaliilo usoo jeediyay ciddanka Axmaarada, waxayna sheegeen in shacabkii Oromada ay lay-nayaan kadibna ku shaambadaynayaan jabhada “Onag Shane”.

 

Xubin kale oo Barlamanka ka tirsan ayaa sheegay in dagaalka waqooyi ee gobalka Wollo ka socda uu dhaxeeyo ciddanka gaarka ah ee Axmaarada iyo shacabka Oromo ee gobalkaas ku dhaqan.

Abiye Ahmed ayaa difaacay ciddanka gaarka ah ee Axmarada.

“Meeshii la rabbo ayaa laga hawlgalin karaa ciiddanka Axmarada,Deeganka Tigreega daaye midka Soomalida ayaan gaynaynaa haddaan rabno” ayuu yidhi Abiy  Ahmed mar uu ka hadlay ciiddamada Axmarada iyo eedaymaha la xidhiidha joogitankoda Tigreega.

W-Q:- Macalinka Soomaliyeed(Ms)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS