Wararkii ugu danbeeyey Ethiopia Siyaasiyiin Xabsiga loo taxaabay iyo qaar la laayay.

 Gobalka Baali ee Deeganka Oromada ayaa xabsiga loo taxaabay 524-qof oo ubadan maamulkii iyo hogaanadii Degmooyinka Gobalkaas. Maamuladan ayaa lagusoo eedayay innay waajibadkooda gudan waayeen.
Inta baddan xarumihii Dawladda ee ku yaalay Degmada Agarfa ee Deeganka Oromada oo gaadhayay 37-xaruumood ee ayaa la burburiyay,Waxaana ka badbaaday kaliya xarumihii Caafimadka iyo waxbarashada.
Magaalada Jimma ee Oromada, Huteel casriya oo ka dhisnaa,dhawaana xadhiga laga jaray ayaa kamida hantida burburtay. Mulkiilaha ayaa sheegay in 100-Million oo lacaga Huteelkan ku maalgaliyay.
Hal qof ayaa si fool xun loogu dhex dilay huteelka sidday warbaahinta usheegeen.
Gudoomiyaha xisbiga Ezema,Birhanu Nega ayaa sheegay in bad-baadada iyo amniga dalku ka muddan yihiin Dimuqradiyada iyo Xoriyada hadalka. Dad baddan ayaa xisbigan ku dhaliila inuu yahay gacanta middigee Abiye Ahmed.
Mannta waa maalintay Itoobiya sheegtay innay biyo buuxinta bilaabi doonto;Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in kulamadii socday fashilmeen oo lagu kala kacay.
Warbaahinta dunnida sidda BBC iyo waliba kuwa Masar laga leeyahay ayaa soo bandhigaya muuqaal iyo sawiro Sattelite-ku qaaday oo muujinaya Biyo xidheenkii Oo ay biyo baddan galeen.
Qaarbaa u sababaynaya roob xoogan oo maalmahan da’ay halka warbaahinta qaarkeed ay ku doodayso in si qarsoodiya loo buuxinayo biyo xidhenka.
Wali goobo baddan oo kamida Deeganka Oromada ayuu isusocodka iyo ganacsigu xaniban yahay kaddib markii ay shaqo joojin ku dhawaaqeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS