Wasiirka Maaliyada Ethiopia”Miisaaniyada Tigreega waan joojinaynaa”.

Wasiirka Maaliyada Ethiopia Ahmed Shide oo arrimaha  maamulka Tigreega ka hadlay ayaa sheegay in bisha November wixii ka dambeeya la joojin doono miisaniyadi lasiin jiray xukuumada Tigreega.
Ahmed Shide wuxuu sheegay in maamulka Tigreegu sifo sharci daro ah ku dhisan yahay,waxana uu intaas kudaray wasiir Shide in la daraasadayn doono siddii maamulada Degmooyinka iyo Maamul magaaloyinka loo gaadhsiin lahaa taagerada.
Maamulka Tigreega oo ka madax adaygay amarada ka soobaxaya xukuumada Abiy Ahmed ayaa waxaa hanjabaado kala duwan hawada u mariyayay  hogaaminta Soomalida ku matasha Dawladda dhexe(Aaden Faarax iyo Ahmed Shide).
W-q:Macalinka Soomaliyeed(Ms)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS