Wax badan ka ogow qorshaha ay Ethiopia ka leedahay Wabiga Nile.

Wasiirkii hore ee Kheyraadka iyo Waraabka biyaha ee Wadanka Masar, Mohamed Nasr El-Din Allam, ayaa sheegay in Hadaladii ugu dambeeyay ee Ethiopia kasoo baxayay ay Cadaynayaan ku Adkeysashada Adis-ababa ee ah in la Jaro Saamiyada biyaha Niil ay ku leeyihiin Wadamada Masar iyo Sudan.
Mohamed Nasr Allam, ayaa Carrabka ku adkeeyay in Adis-ababa aysan Khartoum iyo Qaahira la gaadhin wax heshiisa oo la Xidhiidha Dhameystirka iyo Ka shaqaynta biyo Xidheenka Ethiopia dhiseyso ee GERD.
Hadalada Wasiirkii hore ee Khayraadka biyaha Masar ayaa kusoo beegmaya xili ay Gabi ahaanba ay joogsadeen Wadahadaladii dhexdhexaadinta ahaa ee Ururka Midowga Africa ka dhexwaday Wadamada biyo Xidheenka isku maandhaafsan ee Ethiopia, Sudan iyo Masar kadib markii muran soo kala dhexgalay Wadamadaasi.
Afayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Ethiopia Dina Mufti ayaa Khamiistii sheegay in Ethiopia aysan sexeexi doonin Heshiis wax ku oola oo wax udhimi doona Jiilka Mustaqbalka Danbe Isla markaana Ka hor istaagi doona in Wabiga Abay laga fuliyo Mashaariico kale oo Horumarineed.
Afayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia, Dina Mufti Wuxuu yidhi “Ethiopia ma Saxeexi doonto wax Heshiis ah oo wax ku ool ah oo wax u Dhimaya baahiyaha jiilka Mustaqbalka, kana Horjoogsanaysa in laga fuliyo Mashruucyo kale oo Horumarineed Wabiga Abbay”
Aqoonyahanada Masar ayaa hadalka Mufti u turjumay fariin ay Ethiopia direyso oo ah iney qorsheysay in Mustaqbalka ay biirin doonto Mashaariico biyo Xidheeno ah oo ay ka dhisto Wabiga Abay oo ah Isha ugu wayn ee uu Wabiga Niil ka helo biyaha ugu badan, Waxayna tilmaameen in taasi tahay halis wayn oo kusoo Socota hadii aan Talaabo la qaadin.
W/Q Shardiid Macalin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS