Wax ka ogow sababta loo laynayo shacanka Axmaarada?

Labbadii maalmood ee  lasoo dhaafay waxaa la dilay 62 qof sidda ay warinayaa warbaahinta buuralayda iyo maamulkooduba.

Galbeedka Wollega ee Oromiya waxay sheegayaan in kontan qof oo Axmaaro ay maalin kahor shir loogu yeedhay kadibna halkaas lagu xasuuqay dhamaantood, jabhada hubasan ee Gobalkan ka dhaq-dhaaqda hoggaamiyahooda oo Aljazera la hadlay ayaa beeniyay eedaymaha Onag Shane loosoo jeediyo, wuxuuna codsaday in baadhitaan madax bannaan la sameeyo.

Maalintii shalayna buuralaydu waxay sheegayaan in gaadhi ay 12-qof oo shacaba saarnaayen lagu laayay dhamaan dadkii, dhacdadana waxay ka dhacday gobalka Metekel sidday warinayaan.

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS