Xasan Cali Khayre iyo Jawaari oo kulmay.

Raysal wasaarihi hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Dalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada muqdisho ee caasimada Dalka soomaaliya.

Kulankaan oo ka dhacay Guriga uu muqdisho ka deganyahay Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa ay labada siyaasi ku lafa gureen arimaha Doorashooyinka iyo marxalada uu dalku marayo.

 

Xasan Cali Khayre ayaa waxa auu dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u tartamaya xilka Madaxwaynanimo ee soomaaliya Doorashada 2021.

Jawaari waxaa xilka ka xayiibiyay Xukuumadii Xasan Cali Khayre hogaaminayay ,iyagoo dadka qaar ay sheegeen in xilka looga qaaday sifo aan sharci ahayn.

Xidhiidha labadaan siyaasi ayaa la sheegayaa in uusan horay uwanaagsanayn balse maanta ay meel ka soowada jeesteen.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS