Xasan Cali Khayre oo ku dhawaaqay in u yahay musharax Madaxwayne.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya  Xasan cali Khayre ayaa waxa uu caawa si rasmi ah u shaaciyay in uu yahay Musharax madaxwayne oo tartamaya Doorashada Soosocota.

Qoraal uu baahiyay ayaa waxa uu uqornaa sidatan

Bismillah,
Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.
Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS.
Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.
Mahadsanidiin

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS