Xisbiga ONLF oo gabi ahaanba diiday ka qayb galka doorasha hadii aan cabashooyinka la saxin.

Xisbiga ONLF ayaa sheegay inaaney ka qaybgali doonin Doorashada hadii Gudiga doorashooyinka Ethiopia uu sixi waayo Cabashooyinka ay u gudbiiyeen.

Xisbiga ONLF ayaa sheegay in la musuqmaasuqay  hanaanka  kaararka is diwaangalinta, iyagoo ku eedeeyay Xisbiga Barwaaqo inuu boobayo Kaararka Codbixinta walow Xisbiga Barwaaqo uu iska fogeeyay eedahaasi.

Xisbiga ONLF ayaa kamid ah Axsaabta ugu taageeraha badan Deegaanka, hadii ay doorashada qaadacaan, maxaa ka dhalan doona, waa su’aalaha ugu badan ee dadku ay is waydiinayaan.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADS