Ethiopia oo mar kale wacad ku martay in Sudan ay talaabo ka qaadayso.

Afhayenka wasaradda arimaha dibada Ethiopia, Dina Mufti ayaa sheegay in Sudan kasoo gudubtay xuduudka, Wuxuuna weerarada Sudan u la xidhiidhiyay arrimaha biyo xidheenka Abay ama Wabiga Niil.

Dina Mufti oo arimahan ka hadlayay ayaa yidhi:-

“Weerarada Sudan way sii xoogaysteen, Itoobiya waxay ku wajahaysay diblomasiyad iyo waddahadal. Dulqaadku wuxuu leeyahay xad, hadda wixii hadda ka dambeeya waxaan qaadi doonaa tallaaboyin ku habboon oo lagaga jawaabayo weerarada iyo xad gudubka ka imanaya dhanka Sudan.”

Dina muftih ayaa Sudan ku eedayay innay raadinayso rabitanka dalal kale, balse aysan u socon dane la xidhiidha shacabka Sudan.

Xiisada u dhaxaysa dalalka Sudan iyo Ethiopia ayaa u muuqata mid sii xoogaysatay oo waji horleh maalmahan yeelatay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS