Kenya oo soo dhawaysay go,aankii Soomaaliya ku soo celisay xidhiidh kii labada Dal.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu soo dhaweeyey Go’aanka soomaaliya ee ah in dib loo hagaajiyo xiriirkii Diblomaasiyadeed ee xumaaday ee labada dal.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri :

Wasaaradda arimaha dibadda ee kenya waxay garowsantahay warsaxaafadeedka ay soo saareen Masuuliyiinta soomaaliya ee ah in dib ay u soo celiyeen xiriirkii kala dhaxeeyey Kenya.

Inagoo tixgalineyna go’aankaas Wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya waxay caadi kusoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyey soomaaliya oo isugu jiray mid ganacsi, Isgaarsiin, isusocod, isu gudbi dadeed dal ka dal iyo isweydaasi dhaqanba.

Wasaaradda arimaha dibadda waxay dhiiragalineysaa taageerada bulshada caalamka ee heshiiskan iyo si gaar ah dowladda Qadar, dadaalkii ay ku bixisay in uu soo laabto xiriirkii diblomaasiyasadeed ee ka dhaxeeyey dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS