Malayshiyaad Sudan ka yimid oo Gonder weeraray.

Maleeshiyo dhanka Sudan ka timid ayaa maanta weerar saacado qaatay kusoo qaaday galbeedka Gonder, gaar ahaan agagaarka Mandoka.

Maleeshiyadan oo addeeg sanaysay hub culus ayaa 80-Km guddaha Itoobiya soo galay, waxayna bur’buriyeen oo ay boobeen dhul bureed balaadhan, sidda ay kusoo waramayaan dad goob joogayaal ah.

Guddoomiyaha Degmada Metama, Fantahun Kiros oo warbaahinta Dw la hadlay ayaa sheegay in weerarkan khasaare ba’an gaystay, balse wuxuu sheegay in milatariga Itoobiya oo goobta gaadhay ay dib u riixeen maleeshiyadii Suudan. Fantahun wuxuu sheegay in dhulbeered baddan khasaare loo gaystay, balse muusan sheegin khasaaraha kalee dagaalkan ka dhashay.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS