Mustafa Cagjar iyo Mucaaridka oo hadalo hankabaada hawada isu mariyay.

Hure Cabdi Adar oo kamida xubnaha mucaradka kana hadlayay xaalada Deeganka, fariina u dirayay xukuumada Mustafe Omer hoggaamiyo ayaa yidhi:-

“Saaxibow waxaan kaga yaabay dadkii EPRDF lasoo shaqeeyay oo aad addigu kamid tahay waad neceb tahay,kuwii soddonka sanno xabada la dhacayayna waad necebtahay.waxaad jeceshahay bal noo sheeg? Kol hadaad necebtahay ciddii EPRDF lasoo shaqeysay dee Abiye Ahmed-ba wuu lasoo shaqeeyay, ee maxaa ku ag dhigay?Addiguna waad lasoo shaqaysoo waxaad ahayd wasiir kuxigenkii waxbarashada ee bal bulshada usoo bandhig waxa aad jeceshahay.Qabilada kuligood waad necebtahay,xitaa Soomalida waad necebtahay.”

Hure oo haddalka sii wata ayaa yidhi:-

“Erayga ‘Soomali Soomali, ee aad iska leedahay waxba kama jiraan, ciddaad jeceshahay waa la ogyhay. Waad nagasoo daahdee kaalay na xidh,guriga nooguso dhac,kaalay noo imo,sooo badso ciiddanka. Ciddan kama cabsano,caruurtan yaryareed soo dhoobtay daayeee kuwii libaaxyada ahaa ayaan ka cabsan waynay.”

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS