TPLF oo sheegtay in ay ka dagaalamayaan deegaanka Axmaarada.

Jabhada TPLF oo ay Dowlada dhexe ee Ethiopia dagaal kula jirto ayaa waxa ay sheegeen in ay ka dagaalamayaan.

Af-hayeenka ciiddamada TPLF ee duurka kujira Gebre Sadik ayaa sheegay innay bur’buriyeen ciiddamo ka mida Liyuuga Axmaarada iyo waliba dhufayskoodii agagaarka Arbagele.

Gebre-Sadik oo la hadlayay warbaahinta DW mar laga waraysanayay Dagaalada at jabhada kawado meelo ka mid ah deegaanka Axmaarada  ayaa yidhi

“Guud ahaan waxaan jabinay caddawgii shacabkeena dhibataynayay ee halkaas ku sugnaa iyo waliba koox usoo gurmatay, dagaalkuna wali wuu socdaa”

Dhanka kale warbaahinta madaxa bannaan ee Axmarada ayaa tabbinaya in kooxda TPLF kasoo gudbeen Takaze, islamarkana dagaal ka bilaabeen xuduudka Axmarada. Wallow ay sheegen in dagaalku ilaa shalay socday, haddana warbaahinta Axmaradu maysan caddaynin khasaaraha  dhabta ah ee ka dhashay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

ADS